Kusoo Dhawoow Hormuud System
Nidaam casri ah oo aad ku maamulayso goobtaada waxbarasho — si fudud, degdeg ah, ammaan leh. Hal meel ka maamul goobtaada waxbarasho adiga oo adeegsanaya moobilkaga gacanta.

Qaybaha Hormuud System
Waa System casri ah oo lagu maamulayo Schoolada, Machadyada iyo Madarisadaha.

Maamulka Ardayda
Xogta ardayda si fudud ayaad ugu shubaysaa. Arday cusub iyo ardaydii hore mid kasta xogtiisa si nadiif ah ayey u joogtaa — kaga maarmo buugaagta gacanta iyo Word.

Xaadiriska & Maqnaanshaha
Macallinku si fudud ugu calaamadiyaa Xaadir, Maqan ama Daahay. Maamulka iyo waalidku markiiba ayey arkaan xaaladda ardayga.

Maaliyadda Dugsiga
Diiwaangelinta lacagaha, xisaabinta deynta iyo soosaarinta rasiidhada — si toos ah. Arday walba wuxuu arkayaa taariikhda lacagihiisa.

Nidaamka Ogeysiisyada
Hal mar ula soco waalidiinta fee-ga bisha, fasaxyada, ogeysiisyada iyo natiijooyinka — WhatsApp iyo SMS.

Imtixaannada & Natiijooyinka
Iskaa ugu xisaabi dhibcaha, darajooyinka iyo celceliska. Uma baahnid Excel — nidaamku waa otomaatig oo soo saaraya Report Card professional ah.

Maamulka Faracyada
Hal meel ka maamul xarunta guud iyo dhammaan faracyada — farac walba xogtiisa gaarka ah ayuu leeyahay.

Akoonka Ardayga & Waalidka
Qof kasta si ammaan ah ayuu u arkaa xaadirka, natiijooyinka, lacagaha iyo ogeysiisyada — xogtiisa keliya.
Waxyaabaha gaarka ah ee Hormuud System
Casri, ammaan, oo loo dejiyey goobaha waxbarasho ee Soomaaliyeed.
- Hal bil oo bilaash ah oo tijaabo ah
- Maamulka iyo macallimiinta waa lagu tabobarayaa
- Nidaam fudud oo Af-Soomaali ah
- Mobile, Tablet iyo Computer waa laga adeegsan karaa
- Amni adag iyo kaydin xog ammaan ah
- Dib-u-habayn joogto ah
- Waalid iyo Arday si fudud ayay u adeegsan karaan
- Taageero 24/7 oo Af-Soomaali ah

📱 Halkan Kala Dag
App-ka Hormuud System
Ku rakib App-ka Hormuud System moobilkaaga ama kombiyuutarkaaga si aad ugu isticmaasho sida App caadi ah — degdeg, fudud, oo offline-shaqayn leh.
- Hal-riix oo rakib
- Sida App caadi ah u shaqeeya
- Bilaash — cusbooneysiisyo toos ah
- Wakhti badan ku kayd
Nagala soo xidhiidh
Diyaar ma u tahay inaad bilowdo? Waxaynu kaa caawin doonaa hal mar.
